Alle waa ka abuuray geerida iyo nolosha , si uu idiin imtixaamo,kiinnee u camal suuban, oo ilaahay raalli galin doona ✉



{الَّذِي خَلَقَ الْمَوْتَ وَالْحَيَاةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا وَهُوَ الْعَزِيزُ الْغَفُورُ}[4]


(Alle waa ka abuuray geerida iyo nolosha , si uu idiin imtixaamo,kiinnee u camal suuban, oo ilaahay raalli galin doona ).


Wuxu yidhi taabicigii waynaa ee Qataadah:“ Alle waxa uu ku dulleeyey ina Aaden geerida ,aduunkana wuxuu ka dhigay nolol ku meel-gaadha, Aakhirona wuxuu ka dhigay ,madal xisaabeed oo la isu abaalmariyo iyo hoy- nololeed oo maguuraan ah”.[5]


Haddaba imtixaankaas ciddii ka gudubta ( Eebbe ha innaga dhigee) ,waxa uu Alle u ballan qaaday , in ay ku noqon doonaan Jannadii laga soo mastaafuriyey, kana raysan doonaan cabsidii iyo carcaraafkii ifka ,isla markaana ku waari doonaan janno iyo raaxo ay ku illoobaan taws iyo tiiraanyo wixii soo maray.


Cidda imtixaankaas ku dhacda (Alle inagama dhigee), ee xaqa ka jeesata, ee Shaydaankii jannada innaga soo barakiciyey raacda ,waxa uu Alle u ballan qaaday in kitaabkooda bidixda laga siin doona, naartana xaabo looga dhigidoono ,halkaana ay ku waarayaan, kuna illoobidoonaan raaxo kasta oo ay soo mareen..

Dhammaanteen aan soo qorno yaa Allah noo dambi dhaaf

Comments